Daawo kulankii ka Tirsanaa Wareega 16-ka Uefa Champions league Ee dhex Maray Psg iyo Liverpool+warbixin



Liverpool ayaa guul muhiim ah ka gaartay Paris Saint-Germain (PSG) 1-0 kulanka lugta hore ee wareega 16-ka ee UEFA Champions League, taasoo ciyaarta u dhigtay mid xiiso badan, iyadoo goolka guusha ay dhalisay Harvey Elliott daqiiqaddii 87-aad ee ciyaarta.

PSG ayaa si buuxda ugu hogaaminaysay ciyaarta, waxayna abuurtay fursado badan oo ay ku guuldareysatay inay ka faa'iideysato. Goolhaye Alisson Becker ayaa sameeyey badbaadooyin muhiim ah, isagoo si fiican uga hortagay weerarada PSG. Daqiiqaddii 87-aad, Darwin Nunez ayaa si qurux badan ugu soo diray kubad dheer Elliott, kaasoo si deggan u dhigay shabaqa PSG, taasoo ka dhigtay guushii Liverpool.

Inkasta oo PSG gacan sareyse hadane uma suura galin ineey gool ka dhaliyaan liverpool, si kastaba ha ahaatee kooxda Liverpool ayaa muujisay ineey dhanka daafaca ku fiican yihiin. Goolka uu dhaliyey Elliott wuxuu siinayaa Liverpool faa'iido marka ay Anfield ku ciyaari doonaan kulanka soo socda. PSG ayaa hadda wajahaysa caqabado waaweyn, iyadoo laga rabo ineey gaarto guul u dhiganta guuldarada gurigeeda kuso gaartay ee aheyd 0-1 si ugu yaraan waqti dheeraad ah loo aado isla markaana haddii ay doonayaan inay u gudbaan wareega xiga.

Guushan ayaa muhiim u ah Liverpool, waxayna rajadoodu tahay ineey gaaraan ilaa kama dameysta Champions League ee xilli ciyaareedkan, halka PSG ay si adag ugu baahan tahay inay qaataan guul weyn ciyaarta soo socota si ay u soo laabtaan.

Warbixintan waxa laga soo xigtay ilo kala duwan sida Reuters, The Guardian, iyo The Times.

DAAWO GOOS GOOSKA KULANKA PSG VS LIVERPOOL 0-1

Post a Comment

Previous Post Next Post